C/weli Gaas oo dhulka ku jiiday doodda Jirintaanka ‘Somaliland’, Weerarna ku qaaday Axmed Ismaciil Samatar [Daawo]

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dowladda Soomaaliya ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku dhaliilay qaabka ay u wajaheyso wadahadalada lala gelayo Somaliland.

“Waxaan aaminsanahay Ma jiro wax la yiraahdo Soomaaliya iyo Somaliland, magaca Somaliland waa dhulkii Soomaaliyeed, Gobollada Waqooyina Somalia ayay ka mid yihiin, waa in laga xishoodaa .. wadahadallada inta badan ma jiraan wax ka soo baxa, sababtaa idin sheegayaa ma nin Ra’iisal wasaare ah ama madaxweynaha Soomaaliya ah ayaa oran kara Somaliland taga… mise Muuse Biixi ayaa oran kara Soomaaliya ayaa la midoobeynaa.. maxaa la isku wareerinayaa…?” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Wuxuu si weyn u weerarray doodda Somaliland e ah inay xuquuq ku leeyihiin Soomaaliya, isagoo magaca Somaliland ku tilmaamay mid lagu wareeriyo dadka Waqooyi, Somaliland oo is mahdisa iyo kuw midnimada raba oo lagu eryado.

Gaas ayaa weerar ku qaaday Axmed Ismaaciil Samatar oo dhowaan tegay degaanka Tukaraq, isagoo ku eedeeyay inuu isku dayayo dib u qorista taariikh been ah, wuxuuna sheegay inuu 50 Riyaad oo Gees jaban geeyay Tukaraq.

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

107,930FansLike
552FollowersFollow
2,428FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

107,930FansLike
552FollowersFollow
19FollowersFollow
2,428FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!