Sunday, June 22, 2025

AKHRISO: Magacyada & Beelaha ay kasoo jeedaan xubnihii Alshabaab ee weerarray Hotelka DusitD2 Nairobi

Alshabaab ayaa shaacisay magacyada, muuqaallada iyo beelaha ay kasoo jeedaan dagaalyahannadii ka tirsanaa ee weerarka culus ku qaaday Dhismaha weyn ee DusitD2 ee magaalada Nairobi, Bishii Janaayo 2019.

Shanta dagaalyahan oo midkood is qarxiyey, inta kalena ay dagaalameen ayaa 3 ka mida ay Kenyaan yihiin, halka labada kale ay Soomaaliya ka tageen, waxaana beelahooda iyo muuqaalaadoda uu ku jiray Video ay baahisay qeybta Warfaafinta Alshabaab muddo laba sano ku dhow.

Weerarka Dusit oo qaatay muddo 24 saacadood ah ayaa ahaa kii labaad ee uu weynaa oo Alshabaab ka fuliso magaalada Nairobi, waxaana ku dhintay dad ku dhow 20 qof, iyadoo qasaare badan kasoo gaaray dalka Kenya.

Ad

HOOS KA AKHRISO

Amiirkii kooxda weerarka Ali Salim Gichunge (Abu Sakeena): Waa Kenyaan kasoo jeeda Beesha Kikiyu ee ugu badan Kenya.

Cusman Axmed Xasan (Cazzaam): Waa Soomaali kasoo jeeda Beesha Dagoodiye, wuxuuna ku dhashay oo ku barabaaay, dalka Kenya.

- Advertisement -

Cabdulqani Carab Yuusuf (Farhan Dheere): Waa Soomaali kasoo jeeda Jufada Maxamed Subeyr ee Beesha Ogaadeen.

Maahir Khaalid Riziki (Jibril / Simba): Waa Kenyaan kasoo jeeda magaalada Mombasa, wuxuuna fuliyey Qarixii Is-miidaaminta ahaa.

Maxamed Aadan Nuur (Farhan Yare): Waa Soomaali kasoo jeeda Beesha Hadame ee Digil & Mirifle.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON