Wednesday, June 25, 2025

AKHRISO: Magacyada ciidamo ku dhintay Qarax ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho

Qarax miino ayaa haleelay Gaari ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya oo marayey agagaarka Siinka dheer ee duleedka magaalada muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca dhulka la geliyo ayaa waxaa ku geeriyooday saddax ka mid ah ciidamadii lasocday Gaari Cabdi bile ah oo qaraxa lala beegsaday, waxaana magacyada askarta ay kala yihiin:

1- Da’ud Yuusuf Maxamed (Loowgàan)
2- Xirsi Urur Diiriye
3- C/raxiin Qaalid Maxamed Suudi
4- Daahir Xasan Nuur Siyaad (oo dhaawac culus qaba)

Askartaan ayaa ka tirsaneyd Guutada 3aad, Ururka 18aad iyo Guutada 6aad, Ururka 54aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Markii uu dhacay qaraxa miinada ka kadib ayaa Waxaa la maqlayay dhawaqa rasaas oo ay rideen ciidamado kale.

Qaraxa oo dhacay saqdii dhexe  ee xalay ayaa jugtiisa laga maqlay qeybo ka mida magaalada Muqdisho. mana jirto wax war ah oo ay kasoo saareen ciidamada milateriga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON