Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle waxaa lagu doortay maanta 5 xildhibaan oo ka mid noqonaya Aqalka hoose ee Baarlamaamka.
Xildhibaanada ku soo baxay kuraasta Aqalka hoose ayaa qaarkood ay din u hanteen kuraasta, halka kuwo cusubna la doortay.
Xildhibaanadii maanta lagu doortay magaalada Jowhar waxay kala yihiin:
- Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, oo ku soo baxay 32 cod.
- Maxamed Cumar Ceymooy, oo helay 26 cod.
- Mina Xasan Maxamed, oo ku soo baxday 27 cod.
- Farxiyo Maxamuud Dhaqane oo heshay 43 cod.
- iyo Dahabo Suusow oo ku soo baxday 27 cod.
SAWIRRO
GOOBJOOGE.COM