Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle waxaa maanta lagu doortay laba xildhibaan oo ka mid noqday Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Labada Kursi ee maanta lagu tartamayay waxaa natiijadii ka soo baxday ay noqotay sida soo socota:
Kursiga Beesha Gaaljecel/Abtisame waxaa u tartamay:
- Aamino Maxamed Cabdi
- Maxamed Aadan Daahir
- Maxamed Nuur Xuseen
- Sacdiyo Mustaf Axmed
Wareegii koowaad ayaa natiikadii noqotay Aaamino Maxamed Cabdi oo heshay 20 cod, Maxamed Aadan Daahir oo helay 19 cod, Maxamed Nur Xasan oo helay 10 cod iyo Sacdiyo Mustaf Axmed oo heshay 4 cod.
Wareegii labaad waxaa ku guulesytay Aamino Maxamed Cabdi oo heshay 26 cod halka musharixii la tartamayay Maxamed Aadan Daahir uu ka helay 23 cod halka 2 codna ay xumaatay.
Kursiga Beesh Dir/ Faqi Cumar, waxaa ku tartamay:
- Axmed Xasan Aadan
- Maxamed Cabdulaahi Axmed
- Maxamed Xasan Aadan.
- Dr. Xuseen Cabdi Cilmi
Waxaa kusoo baxay Dr. Xuseen Cabdi Cilimi, iyadoo wareegii saddexaad la isla gaaray wuuxuna helay 34, halka Maxamed Cabdullaahi Axmed, oo helay 16 cod.
Goobjooge.com