Monday, July 14, 2025

Akhriso: Magacyada Xildhibaanada Somaliland oo maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho

Iyadoo Doorashada xildhibaanada ka soo jeeda beelaha Waqooyi ee Somaliland ay ka socoto Muqdisho ayaa maanta la doortay xildhibaano cusub.

Afar xildhibaan ayaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho, waxayna ka mid noqonayaan kuraasta Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhammaan afarta xildhibaan ee la doortay ayaa hore u ahaa xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee waqtigiisa dhamaaday.

  1. Sahra C/qaadir C/raxmaan
  2. Faaduma Xasan Cali
  3. Jamaal Xasan Ismaaciil
  4. C/llaahi Ismaaciil Ducaale

Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland waxaa ilaa iminka la doortay 19 xildhibaan oo ka mid ah kuraasta 46-ka ah ee la qoondeeyey in doorashadooda ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON