Xildhibaanno ka mida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid noqday Baarlaamka Afrika.
Afar xildhibaan ayaa si rasmi ah xubin uga mid noqday Baarlamaanka Pan-Afrika ee ay leeyihiin Baarlamaannada Dalalka Afrika oo xaruntiisu tahay dalka Koonfur Afrika.
Shirka Baarlamaannada Afrika ee Magaalada Johannesburg ee dalka South-Africa ayay iska xaadiriyeen xildhibaannadan, waxayna kala yihiin:
1- Xildhibaan Lutfi Shariif Maaxamed
2- Xildhibaan C/xakiin Macallin Axmed
3 – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar
4- Xildhibaanad Yaasmiin Xuseen Maxamed
Waxaa xildhibaannada Soomaalida ee ka mid noqday Baarlamaanka Afrika lagu dhaariyay xarunta uu ka socdo Sirka shanaad ee gadhiga Baarlamaanka Afrika. Waxayna xildhibaannadan Baarlamaanka Soomaaliya u matali doonaan Baarlamaanka Afrika.