Wararka laga helayo dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in laba ka mida xujeyda Soomaalida ay ku geeriyooday xajka intii ay ku guda jireen gudashada waajibaadkii xajka.
Waxaa la xaqiijiyey geeriyda laba Xujeyda Soomaaliyda iyo dhaawaca tiro kalemarkii shalay isbuurasho ka dhacday MINA, oo ah goobta dhagax tuurka oo 5-KM u jirta Xaramka barakaysan ee Makka.
Xujeyda Soomaalida ee geeriyootay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray:
1- Xaaji Axmed Maxamed Saalax oo ku geeriyooday Buurta Carafa iyo
2- Xaaji Xasan Maxamed Jimcaale oo ku geeriyooday Mina.
Saraakiisha Sacuudiga, ayaa sheegay in labada qof oo Soomaali ah geeriyootay, iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka, geeridooduna ay ka dhalatay isbuurasho ka dhacday Mina.
Fahad Abuu Daalib Agaasimaha Waaxda Adeegga Dadweynaha ee Xajka ayaa sheegay in Meydadka Xujeyda dhintay ay ku jiri doonaan qaboojyaha Firinjeerka ilaa uu ka dhamaano Xajka.