Thursday, June 26, 2025

AKHRISO: Malaaqyada K/Galbeed ee dhimashada & dhaawaca ka soo gaaray weerarkii Hotel Dayax

Weerarkii Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho oo weerar xoog leh ay kooxda Alshabaab ku qaadeen saaka, waxaa qasaare dhimasho iyo dhaawac leh kasoo gaaray odayaal kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed.

Ilaa dhan malaaq oo hotelka deganaa ayaa la sheegay inay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen qaraxa iyo dagaalkii ka dambeeyay ee lagu weeraray hotelka.

 

Malaaq Deerow Afhayeenka Gollaha odyaasah Dhaqanka Koofur Galbeed  ayaa xaqiijiyay in Waxgarad ay ka mid yihiin Malaaq Malabow Isaaq Keerow iyo Malaaq Cabdirashiid Malaaq Cabdisalaan in ay ku dhinteen weerarka. Malaaq Cabdirashiid Malaaq Cabdisalaan ayaa ka mid ah 135 Oday ee Beelaha Soomaaliyeed.

Malaaq C/rashiid Malaaq Malabow

Malaaqyada dhaawacmay waxa ka mida:

Yusuf Abdi Macalin Malaaq

Malaaq Xasan Buulle

iyo Malaaq Shariif Muxyidiin.

Wararka ayaa sheegaya in Hotelka uu xarun u ahaa odayaasha iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, inkastoo  qasaaraha gudaha ka dhashay uu ahaa mid yar, waxaana gudaha hotelka ku sugnaa wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON