Thursday, June 26, 2025

AKHRISO: Miisaanyadda 2017 & Lacagaha loo qoondeeyay Maamul Goboleedyada [Dood ka taagan]

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta bilaabaya ka doodista Miisaaniyadda lixda bilood ee Dowladda Soomaaliya ee ka hartay Sanadka 2017.

Xildhibaanada qaarkood ayaa ku doodaya in cadaalad darro weyn ay ka jirto lacago loo qoondeeyay horumarinta maamul goboleedyada dalka oo farqi weyn u dhaxeeyo, waxaana wararku sheegayaan in dood kulul arrintaasi ka imaan doonto.

Kharashaadka loo qoondeeyay maamulada dalka ayaa waxaa ugu badan maamulka Puntland oo afar laab ka badan tan K/Galbeed iyo Galmudug, halka Hirshabeelle ay ugu kharash yar tahay.

AKHRISO LACAGAHA LOO QOONDEEYAY MAAMULADA DALKA

  • Puntland $ 4,675,000
  • Jubbaland $ 2,695,000
  • Galmudug $ 1,425,000
  • Koofur Galbeed 1,425,000
  • Hirshabeelle 750,000
  • G/Banaadir $ 7,000,000

Xildhibaanno badan ayaa is qoray oo doonaya inay faahfaahin ka helaan Wasaaradda Maaliyadda si ay arrintan ku dhacday, iyadoo qaarkood ay sheegeen inay tahay cadaalada darro.

Muran ka taagan Rugta Ganacsiga ayaa ka mida arrimaha caddeynta u baahan, iyadoo Rugta ganacsiga ay lacago ku leedahay Miisaaniyadda.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON