Tuesday, June 24, 2025

AKHRISO: Natiijada Cod bixin ay qaaday Shabakadda Goobjooge oo lagu taageeray Guddoomiye Jawaari

Cod bixin ku saabsan guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ku dhammaatay taageero badan oo dadka Soomaaliyeed u muujiyeen Jawaari.

Cod bixinta oo ay ka qeyb qaateen in ka badan 3600 qof oo baraha bulshada adeegsada ayaa lagu weydiiyey su’aasha ah: Ma taageersan tahay in xilka laga qaado Guddoomiye Jawaari..? waxaana ‘MAYA’ ku jawaabay oo Guddoomiye Jawaari taageeray 57% dadkii codeeyay oo ka dhigay in ka badan 2000 qof.

Dadka taageeray mooshinka iyo xil ka qaadista guddoomiye Jawaari oo ‘HAA’ ku coddeeyay dad gaaraya 1500 qof oo ka dhigan 43%. Cod bixinta oo ka socotay bogga facebook-ga ee Goobjooge ayaa ku soo dhammaatay in inta badan dadka Soomaaliyeed ay si weyn u taageersan yihiin inuu xilka sii hayo Gudddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON