Waxaa socda tirinta codadkii Doorashada Golayaasha Wakiilada iyo Degmooyinka Somaliland, waxaana soo baxay ilaa iminka natiijada hordhaca ah ee 18 Degmo-doorasho.
Natiijooyinka ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa muujinaya inay ku horeeyaan marka la isku daro xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo UCID oo helay tirooyinka ugu badan xubnaha Golayaasha degmooyinka.
Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa ku horeeya degmooyin badan, isagoo helay tirada ugu badan xubnaha golayaasha marka xisbi ahaan loo xisaabo, laakiin labada xisbi mucaarad marka la isku daro ayaa ka horeeya xisbul xaakimka.
Waxaa la doortay in ka badan 200 oo ka mida kuraasta Golayaasha degmooyinka, waxaana xisbiga Kulmiye oo ugu horeeya uu helay 87 kursi, Waddani oo ku xiga ayaa helay 72 kursi, halka UCID uu helay 45 kursi:
Hoos ka akhriso 19-ka Degmo ee lagu dhawaaqay natiijada:
1. Zeylac
2. Lughaya
3. Sallaxley
4. Buuhoodle
5. Laas Caanod
6. Xudun
7. Taleex
8. Gar-adag
9. Sheekh
10. Ceel Afweyn
11. Oodweyne
12. Caynabo
13. Balli-gubadle.
14. Boorame
15. Ceerigaabo
16. Baki
17. Burco
18. Berbera
19. Gebiley
Golayasha Wakiilada Degmooyinka, waxay saddexda Xisbi u kala heleen sida soo socota:
Gebiley:
Kulmiye 5
Waddani 4
UCID 4
Berbera:
Kulmiye: 6
Waddani: 4
UCID: 3
Boorame
Kulmiye 5
Waddani 5
UCID 3
Ceerigaabo
Kulmiye 5
Waddani 6
UCID 2
Baki
Kulmiye 3
Waddani 5
UCID 1
Burco
Kulmiye 4
Waddani 5
UCID 4
Baligubadle:
Kulmiye 4
Waddani 3
Ucid 2
Ceel-afwayn:
Kulmiye 5.
Ucid 3.
Waddani 3
Oodwayne
Waddani: 6.
Kulmiye 4.
Ucid 1.
Caynaba:
Kulmiye 4.
Ucid 3.
Waddani 2.
Sheekh:
Ucid 3.
Kulmiye 3.
Waddani 3
Buuhoodle:
Waddani 5.
Kulmiye 4.
Ucid 2.
Laascaanood:
Ucid 3.
Kulmiye 5.
Waddani 5.
Taleex:
Kulmiye 6.
Waddani 3.
Ucid 0
Sallaxley:
Kulmiye 4.
Ucid 3.
Waddani 2.
Xudun:
Kulmiye 7.
Waddani 2.
Ucid 0.
Lughaya:
Kulmiye 5.
Waddani 2.
Ucid 2.
Saylac :
Kulmiye 4.
Waddani 4.
Ucid 3
Gar-adag:
Kulmiye 4.
Waddani 3.
Ucid 2
