AKHRISO: Natijada Wareegii koowaad doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle & musharixiin tanaasulay

0

Waxaa goor dhow soo idaalatay cod bixinta wareegii koowaad ee doorashada madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo haatan ka socota xarunta Jowhar.

Cod bixinta wareegtii koowaad ayaa buuq iyo hakad soo dhex galay markii warqadihii lagu codeynayay laga waayay magaca mid ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha, taasoo keentay in loogu noqdo oo dib loo soo daabaco waraaqaha cod bixinta.

Tirinta codadka wareegga koowaad oo goor dhoweyd soo gabagabowday iyadoo ay codkooda dhiibteen 97 xildhibaan, waxayna natiijadii noqotay sida soo socota:

  1. Maxamed Cabdi Waare : 44

  2. Daahir Cabdulle Cawaale : 20

  3. Cabdi Faarax Laqanyo : 6

  4. Cabdinasir Maxamed Shirwac : 6

  5. Yusuf Hagar Daba-geed : 1

  6. Maxamed Caruush Diirow : 0

  7. Cabdiraxmaan Xuseen Caddow : 0

  8. Cabdikarim Cali Nuur : 2

18 Warqad oo lagu codeeyay ayaa xumaaday, kadib markii lagu qoray xarafka X kaasoo khalad ah, lagana rabay xildhibaannada inay calaamada Sax ama FIG  ay saaraan magaca ay dooranayaan ama qaar aan waxba lagu qorin.

Sida sharcigu yahay waxaa madaxweynaha sitoos ah ugu guuleysanaya musharixii hela 3/2 codadka oo dhan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa ku dhawaaqay natiijada, isagoo sheegay in loo gudbayo wareegga labaad, maadaama aanu jirin musharax ku guuleysata 3/2 coadadkii la dhiibtay

Waxaa la guda geli doonaa wareegga labaad oo ay ku tartami doonaan wareegga labaad oo ay isugu soo hareen wareegga labaad:

  1. Maxamed Cabdi Waare : 44

  2. Daahir Cabdulle Cawaale : 20

  3. Cabdi Faarax Laqanyo : 6

  4. Cabdinasir Maxamed Shirwac : 6

Waxaa wareegga labaad ka tanaasulay inuu sii tartamo C/naasir Maxamed Shirwac, waxaa kaloo isna shaaciyay inuu wareegga labaad ka baxay, kana tanaasulay wareegga labaad Cabdi Faarax Laqanyo.

Waxaa marka si toos ah loogu gudbayaa wareegga saddexaad iyadoo lagu kala bixi doono cod hal dheeri ah maadaama wareegii labaad uu meesha ka baxay.