Tuesday, July 1, 2025

Akhriso: Nin Somali ah oo Booliska Mareykanka toogteen markii uu dilay laba wiil oo walaalihiis ahaa

Saddex wiil oo walaallo ah ayaa ku dhintay Magaalada Kansas City, Gobolka Missouri ee dalka Mareykanka, kadib fal naxdin ah oo wiilal da’doodana kala ahayd 14 iyo 16 sano jir uu dilay,wiil walaalkood ah oo isna ay markii danbe dileen Booliska.

Wiilashada lagu kala magacaabi jiray Cabdiraxmaan Xuseen Cabdicasiis iyo Cabdiwaaxid Xuseen waxaa dilay walaalkood ka weyn xili ay ka soo baxeen salaaddii Taraawiixda oo ay iyagu ahaayen xaafidiin dadka tujin jiray.

Waxaa dilka geystay Hanad Cabdullaahi Cabdicasiis oo 25 sano jir ahaa, waxayna walaal ka ahaayeen dhinaca hooyada, wuxuuna dilku dhacay banaanka gurigii ay ku noolaayeen, isgoo beegsadya isla marki ay salaadii taraawiixda kasoo laabteen.

“Waxay wax u dhaceen in labada wiil ee geeriyootay iyo wiil kale oo la socday ay ka soo baxeen Taraawiixda ragga masaajidka ku tukadda oo ka mid ah akhyaarta ayaa soo qaaday guriga illinkiisuu dhigay gurigii markay is dhaheen saddexdoodii gala Walaalkood ayaa ka soo baxay meeshuu ku sugayay labada dhalinyarada ah” ayuu yiri mid ka mid ehelka wilashan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi.

Falkan ayaa dhacay 11.30 daqiiqo habeennimadii Jimcaha, sida uu sheegay Booliska Mareykanka. Hanad Cabdullaahi Cabdicasiis oo 25 sano jir ah laguna tuhunsanaa dilka ayay boolisku isku dayeen in ay la hadlaan markii uu falka gaystay kadib haseyeshee wuxuu ula soo baxay qori kadibna xabado ayuu ku furay taas oo keentay in boolisku ay toogtaan oo ay dhaawacaan, sidaasina uu isbitaalka ku dhintay isna.

“Labadan wiil ee walaallaha ah oo Qur’aanka xaafidiin ku ahaa dadka tujin jireen taraawiixda masjidka Al-Taqwa ee magaalada Kansas City, Missouri. Wiilashan hooyadood & aabahood siyaabo aad u naxdin badan ayaa lagu kala dilay wax 10 sano ka yar.

Ninka dilka geystay ee Hanad C/llaahi ayaan ilaa iyo hadda aysan oggeyn waxa sababay in Hanad walaalihii dilo, waxaase la sheegay inuu aha qof maskixiyan aan fiicneyn.

Dhacdadaan waxay ahayd kuwii ugu naxdinta badnaa ee ka dhaca Magaalada Kansas City iyo guud ahaan Soomaalida ku nool dalka Mareykanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON