Thursday, July 3, 2025

AKHRISO QISO XANUUN LEH: Muwaadin Soomaaliyeed oo shaqada looga ereyay dembi aanu gelin

Qisadan waxay ku saabsan tahay muwaadin Soomaali ah oo la shaqeyn jiray shirkadda Favori ee gacanta ku heysta Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida uu shaaciyay wuxuu shaqadiisa ku waayay in ciidamada NISA ay xireen kadib qaraxii diyaarada Daallo horaantii bishii Febraayo kadibna muddo toddobaad ah lagu hayay xabsiga markii dambena la sii daayay iyado wax denbi ah lagu waayay, Laakiin waxaa ku dhacday in loo diiday dib ugu laabashada shaqadasiisii.

QISADA OO KU DHACDAY XASAN KAAFI C/RAXMAN AXMED HOOS KA AKHRI


9 February 2016 maalin talaado ah 11:27

Anigoo kujira shaqa maalmeedkaygii caadiga ayaa waxaa ii yimid supervisor.ka qeybta aan ka shaqaynayay ee Campony-ga Favori wuxuuna igu yiri waxaa kuuyeeraya taliyaha Hay,ada Nabad sugida qeybta Airporka.

Sifudud ayaaan ugu tagay xafiiskiisa wuxuuna ii sheegay in aan sugo maadaama xiligaa uu howlo badan kumashquul sanaa. Mudo kadib 12:02 daqiiqo ay tahay ayuu ina kaxeeyay aniga iyo ninkale oonan rabin hada magaciisa in aan sheego.
12:32 daqiiqo ah wuxuu ina geeyay xarunta dambi baarista ee Hay,ada nabad sugida. Ninmeesha joogay ayaa lagu yiri nimankaa lawareeg.
Isla markiiba wuxuu inagu yiri telfoonada damiya saacadaha fura jeebabka waxa kujirana banaaanka keeena waan iska dhiibna xaga iska fariista ayuu dhahay intaa kadib mudo markaan fadhinay saacadana aan kuqiyaasayo 5 galabnimo iyo daqiiqado ayaa la iiga yeeray qeybta ( Opiga ).

Magacaa ———
Su.aasha labaad eela i waydiiyay waxay aheeyd qabiilkaada yaawaaye.
Kadib su.aalo iska caadiya.

Meeshaa waxaan ka fahmay ama niyad ahaanba aaan is waydiiyay miyuu jiraa qabiil gooni looraadinayo.

Sikastaba 10 maalin kadib Alx wixii la igu tuhmay ee ahaa kaqayb qaadashada abuubalkii weerarkii diyaarada Daallo waala igu waayay waxaana dib la iisiiyay xoriyadaydii.

Balse waxaa markaan soobaxay een damcay wadashada shaqadaydii ninkii Turkiga ahaa igu wargaliyay in shaqada la iga ruqseeyay sabab la xiriirta in la i xiray ama dabiile aan ahaado ama yaaanan ahaaane. Dhib badan uma aanan arag arintaas waayo waxaan ku kalsoonaa Hay,ada NISA ee iga waday shaqadayda iguna waysay dambigii la igu tuhmay in ay oran doonto muwaadinkaan shaqadiisa ha wato.

Lkn Taliyaha qeybta Aiporka markaan u tagay wuxuu aaday ninkii Turkiga ahaa oo uu yiri ninkaan shaqadiisa ha wato waala soodaayay dambina waalaguwaayaye. Wuxuuna ku jawaabay nin kii Turkiga ahaa inaga iyo Dowlada ayaa isku og in ay xiraan ana aan cayriyo.

Run ahaaantii hadalkaa aad ayuu ii taabtay waxaana ogaaday qofkasta oo dhib samaynaya oo dhalin yaro ah in ay jirto sabab ka dambeeysa oo dhibaatada kuriixaysa.

Taliyii ayaa igu yiri xildhibaankaada arintaan u sheeg oo hayimaado. Waan tagay xildhibaan aan isku beel nahay ayaan raadiyay waan helay wixii dhacaybaan u sheegay wuu tagay ninkii reer Turki ayuu u tagay waala wadahadlay waxaa la isku Afgartay in waraaq cadayn ah oo sheegaysa in aanan dambiile ahayn laga keeno Hay,ada NISA lkn maxaa dhacay.

Waxaa lootagay Taliyihii guud ee NISA waxaana sigooni gooniya ugu tagay una sheegay in waraaqdaas laga rabo muwaadin Soomaali ah oo latuhmay laguna waayay wixii looga shakiyay kulaabashada shaqadiisiina ay waraaqdaas ku xirantahay cadaynta ah . Lkn wuxuu sheegay in uusan waraaqdaas qoraynin cadayneynina in aan dambi lahayn .

sikasta shaqadaydii sidaa ayaaan kuwaayay hada baaga muudo ayaan ahay maxaaa ila gudboon inta sxbul aqliga ah ayaaan waydiinayaa arintaas.


 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON