Saturday, July 19, 2025

AKHRISO: Qodob Xujo ku ah Madaxda maamul Goboleedyada ku jiray War-murtiyeedkii ay soo saareen

Golaha iskaashiga maamul Goboleedyada dalka ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed ay uga hadleen xaaladda dalka iyagoo eedeyn kulul u jeediyay dowladda Federaalka.

Shanta madaxweyn ee maamullada dalka ayaa qoraalkooda ku sheegay in dowladda Federaalka ay faragelin qaawan ku heyso maamul goboleedyada ayna dooneyso inay bedesho madaxda maamuladaasi.

Haddaba qodob ka mid ahaa war-murtiyeedkii maanta ay soo saareen maamul Goboleedyada ahaa dib ugu soo noqonaya, kaasoo ka hor imaanaya isla war-muriyeedkii koowaad ee ay magaalada Kismaayo kasoo saareen.

War-murtiyeedka hore ayay madaxda maamul Goboleeyda ku sheegteen in mas’uuliyadda ammaanka gudaha 60% uu ku dhacayo dowlad Goboleedyada, halka War-murtiyeedkii maanta ay ku eedeeyeen inaysan qaadin mas’uuliyadda qarixii Muqdisho, taasoo haddii warkoodii hore la raaco uu mas’uuliyadiisa qaadayo maamulka G/Baanadir.

Goobjooge

 

AKHRISO: War-murtiyeedkii laga soo saaray shirka Madaxda maamul Goboleedyada ee Kismaayo

Madaxda Maamul Goboleedyada oo War-murtiyeedkii ugu kululaa ku weeraray dowladda Federaalka [AKhriso]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON