Thursday, June 26, 2025

Akhriso: Qodobadda ay ku heshiiyeen C/rashiid Janan iyo Max’ed Farmaajo (Siyaasadda kama bixi doono Janan)

Sida laga soo xigtay Wasiirkii hore e Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) waxaa heshiis ka kooban Shan qodob uu dhex maray dowladda Federaalka, gaar ahaan madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

C/rashiid Janan ayaa u sheegay weriye ka tirsan BBC-da laanta Af-soomaaliga in heshiiska uu la galay dowladda Federaalka ay qodobaddiisa ka mid yihiin:

1. Inuu heshiiska Dowladda Federalka la galay, isagoo ah Wasiirka Amniga Maamulka Jubaland

2. Inay la socdaan ciidan gaaraya 400 oo askari oo wata 36 Gaadiid dagaal ah.

3 In ciidanka Jubbaland ee uu wato C/rashiid Janaan ay la wareegayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

4. Inay heshiiska qeyb ka yihiin Korneyl Cabbaas iyo Saraakiil kale oo gobolka Gedo ku sugan.

5. Inuusan siyaasadda ka bixi doonin

C/rashiid Janan ayaa heshiiska uu la galay dowladda Federaalka ay keentay markii uu arkay xaaladda baaraha iyo collaadda ka taagan gobolka Gedo, isla markaana uu go’aansaday inuusan qeyb ka noqon is-jidjiidka siyaasadeed ee Muqdisho ka socda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON