Wednesday, June 25, 2025

AKHRISO: Qodobadda Mooshinkii sababay in xilka laga qaado Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf

Ujeeddo:-Soo Jeedin Xilka qaadis Madaxweeynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Anagoo ah Xildhibaanadda Ku saxiixan motion-kaan

Kadib markii aan aragnay Qodobka 52-aad ee DDGM Farqadiisa 1aad oo sheegeysa in Golaha Sharci-dajinta Galmudug soo jeedin karaan Xilkaqaadista Madaxweynaha, marka uu ku sifoobo uguna Xad-gudbo si xun Dastuurka DGGM iyo Dastuurka JFS.

 Markaan aragnay qodobka 33-aad Farqadiisa 1-aad xarafkiisa (D) ee DDGM oo qeexaya awooda Golaha Sharci-dajinta ee ah Doorashada iyo Xil kaqaadista Madaxweeynaha iyo Kuxigeenkiisa.

 Sidoo kale Qodobka 2-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Sharci-dejinta GM Farqadiisa 1-aad Xarafkiisa (D) ee natusinaya Awooda Golaha Sharci-dajinta GM ee ku aadan Doorashada iyo Xil kaqaadista Madaxweeynaha iyo Kuxigeenkiisa.

 Kadib markaan hubinay in ku xad-gudubka Dastuurka Dowlad gobaleedka Galmudug iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu yahay dambi culus oo laga galay bulshada Galmudug iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed, uuna ku muteysanayo xilkaqaadis Mas’uul kasta oo ku xadgudba Dastuurka sida ku xusan Qodobka 1-aad ee Dastuurka Dowlasd Goboleedka Galmudug, Farqadiisa 3-aad.

Xubnaha Barlamaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug ee ku saxiixan Motion kaan, waxa ay soo jeedinayaan in kalsoonbida laga laabto Madaxweeynaha maadaama uu si cad ugu tuntay Dastuurka Galmudug iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, gaar ahaan qodobada soo socda. Qodobada uu jabiyay Madaxweeynuhu waxaa kamid ah.

 Madaxweeynuhu waxa uu jabiyay Qodobka 50-aad ee Dastuurka Dowlad Gobaleedka Galmudug Farqadiisa 9-aad oo sheegeeya in Maaxweynuhu u xil saaranyahay ilaalinta Dastuurka Galmudug iyo Dastuurka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 Qodobka 1-aad ee DDGM, Farqadiisa 3-aad wuxuu si cad u qeexayaa in Dastuurka Galmudug eey Saldhig u tahay Shareecada islaamka iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wixii intaa ka hor imaanayana ay yahiin wax kama jiraan, sidaa darteed Madaxweeynuhu waxa uu si cad ugu xad gudbay Dastuurka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, isaga oo warbaahinta ka cadeeyay artintaas 21/09/2017.

Sidoo kale Madaxweeynuhu waxa uu si ula kac ah u jabiyay Qodobka 54-aad Farqadiisa, (A) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee ka hadlaya kala qeybinta awoodaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kamidka ah Dowladda Federaalka.

 Wuxuu Jabiyay Qodobka 5-aad ee Dastuurka Galmudug Farqadiisa 2-aad kaasoo cadeeynaya isla xisaabtanka iyo wadatashiga 3-da Hay’adood ee Galmudug sidaa darteed taariikhdu markay ahayd21/09/2017 Madaxweeynuhu waxa uu si cad u hareer maray ku dhaqanka qodobka 5-aad waxuuna si aan ka leexasho laheeyn warbaahinta uga cadeeyay in uusa la tashaneyn hay’adaha kale ee Dastuuriga ah, uuna isagu leeyahay kaligii go’aan gaarista arimaha masiiriga Galmudug.

 Madaxweeynuhu waxa uu jabiyay Qodobka 6-aad ee Dastuurka Galmudug ee ka hadlaya Sareeynta Sharciga Farqadiisa 1, 2, iyo 3 oo ka noo iftiiminaya in Dastuurka Galmudug uu u hogaansanyahay Dastuurka JFS, Madaxweeynuhuna waxa uu si cad ugu tuntey qodobka 54-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, kadib markii uu heshiis la galay Dowlado Shisheeye, una gacan dhaafey waajibaadkii ey laheyd Dowladda Dhexe ee Soomaaliya sida ku xusan Qodobka 54-aad ee aan soo sheegney, taasoo ay ka dhalatey jahwareer siyaasadeed oo uu u soo jiidey bulshada Galmudug iyo kala qeybsanaan hoggaankii Galmudug.

 Madaxweynuhu wuxuu si aan shaki lahayn u hareer marey qodobka 40-aad DDGM ee sheegaya xasaanadda Xildhibaanada DGM isaga oo ishortaag iyo faragelin ku sameeyey howlgudasha Baarlamaanka taariikh 23-26/09/2017  Sidoo kale wuxuu baal maray Qodobka 15-aad ee Xeer-hoosaadka DGM ee tilmaamaya Xasaanadda Xubnaha Golaha Sharci-dejinta.

 Madaxweeynuhu waxa uu ku tuntay Qodobka 9-aad Farqadiisa 1-aad iyo 2-aad ee Dastuurka DDGGM oo sheegaya in Qofkasta xaq u leeyahay Madaxbanaanida iyo Xoriyaddiisa,una qoran sidan {qofkasta waxa uu xaq uu leeyahay Xoriyaddiisa Shaqsiga ah iyo Nabad-gelyada Qofnimadiisa} iyadoo lawada ogsoon yahay in uu Xoriyaddii ka qaadey Guddoonka Baarlamaanka iyo Madxweyne ku xigeenka 25-26/09/2017.

 Madaxweynuhu 10/05/2017 iyo 20/06/2017waxa uu labadaan jeer ku Xadgudbey Qodobka 53-aad faqraddiisa 4-aad ee DDGM sheeganaya in aysan Madaxda afarta ahi mar qudha kawada maqnaan Karin Galmudug.

Sida daraadeed Xubnaha Baarlamaanka sharafta leh waxaan marlabaad usoo jeedinayenaa in ay kalsoonida kala laabtaan Madaxweynaha Dowlad Gobleedka Galamudug mudane: Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Wabillahi Towfiiq.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON