Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa heshiis is-afgarad ah ku saxiixay dalka Singapore oo kulankoodii ugu horeeyay ee taariikhiga ahaa ay ku yeesheen.
Donald Trump iyo Kim Jong-un ayaa isla gaaray heshiis is-afgarad ah oo ka kooban dhowr qodob oo ay labada dhinac kala saxiixdeen, iyadoo isla gartay in xiriirka labada dal uu isbedel ku yimid, markii muddo ka badan 70 sano ay caddow ahaayeen.
War-murtiyeedka is afgaradka ee labada madaxweyne saxiixeen waxaa ugu muhiimsan:
1- In Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay ka go’an tahay abuurista xiriir cusub oo labada dal iyo labada shacab ay nabad iyi barwaaqo ku gaari karaan.
2- In labada dal ay si wadajir ah iska kaashadaan dadaallada lagu raadiyo nabad iyo xasilooni waarta oo ka dhacda Jasiirada Kuuriya.
3- Inay isla qaateen baaqii Panmunjom 27-ka April 2018 ee kuuriyada Waqooyi ay ku balanqaaday inay dhameystirto in dhulka Kuuriya uu noqdo mid ka caagan hubka Niyukliyeerka ah.
4- Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya waxaa ka go’an inay la is weydaarsado maxaabiista dagaal iyo kuwa maqan, iyadoo kuwo la aqoonsaday si degdeg ah la isugu celinayo.