Kadib markii madaxweynaha Is-maamulka Soomaalida Itoobiya uu ka hadlay kiiska C/kariin Qalbi dhagax, ayaa waxaa ka daba qaataay madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed [Akhri halkan] & xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.
Labadan mas’uul ayaa beeniyay in heshiiskii Jigjiga ay ku saxiixdeen Galmudug Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ay ka mid ahaayeen wax shaqo ku leh kiiska Qalbi dhagax, iyagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalaldii kasoo yeeray Cabdi Maxamuud Cumar. [Daawo halkan]
Haddana waxaan akhristayaasha halkan ugu soo gudbineyaa qodobadii heshiiska ee ay kala saxiixdeen Wasiiru dowlihii dowladda federaalka Mahad Maxamed Salaad iyo Danjire Shamsudiin Axmed Rooble oo ahaa mas’uul ka tirsan dowladda Itoobiya oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar Bishii June 2015.

HOOS AKHRISO QODOBADDA
1-Xabad joojin rasmi ah oo ka bilaabanaysa maanta oo taariikhdu tahay 07/6/2015. Dagaal danbana inuusan ka dhicin deegaanadii dhibku ka dhacay. Labada dhinacna waxay fariin nabadeed u gudbinayaan dadka shacabka ah.
2-Maanta oo taarikhdu tahay 07/6/2015 in deegaanadii dagaalku ka dhacay ay ka caagan yihiin xoogag hubaysan oo sharci daro in ay ka dhaq dhaqaaqaan.
3-Dadka Soomaalida ah ee kunool gudaha Itoobiya, iyaga oo aan loo eegin Diin, Qowmiyad, Luuqad, Qabiil IWM… waxay leeyihiin Xuquuq dastuuri ah iyo sinaansho dhinaca adeegyada Dowlada ah.
4-Laba dhinac waxay ku heshiiyeen inay xoojiyaan xiriirka iyo nabad kuwada noolaanshaha laba dal.
5-Labada dhinac guud ahaan, gaar ahaana Gobolada Qoraxey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya iyo meel kasta oo labada Dowladood daris ka yihiin in si nabad gelyo ah lagu xaliya, wixii khilaaf ah ee soo baxa, iyaga oo adeegsanaya Odoyaasha dhaqanka, xoogaga Nabadgelyada iyo Maamulada labada dhinac.
6-Dhibaatadii ka dhacday Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa si gooni ah xil uga saaranyahay xalintooda Maamulka iyada uu la tashanayo, isla markaana kaashanaya shacabka ku dhaqan deegaankaas. iyaga oo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya xalinayaan sababihii keenay khilaafka.
7-Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ay ula dagaalamaan si wadajir ah cadowgooda Al-Shabaab, UBBO iyo u Adeegayaasha Wadamada Shisheeye ee cadowga ku ah degenaanshaha iyo nabadgelyada labada dhinac.
8-Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in si wada jir ah iyo si gaar gaar ahba ula dagaalamaan cadowga iyo cid kasta oo si khaldan u adeegsanaya qalabka Warbaahinta, abuurayana colaado hor leh.
Sida ka muuqata qodobka 7aad waa heshiiska ka mida in lala dagaalamo UBBO (ONLF) taasoo u muuqata in madaxweynaha Killinka Shanaad u daliishaday soo gacan gelinta C/kariin Qalbi dhagax.
Mahad Salaad oo hadda ah xildhibaan si weyn ugu kacsan xukuumadda ayaa mar uu ka hadlay kiiskan qeyb ahaan qariyay heshiiskan oo laga yaabo in dowladda Soomaaliya ay u qoolnaato fulintiisa.
https://youtu.be/8ZtS-SA4S4M