Thursday, April 18, 2024

AKHRISO: Qodobadii kasoo baxay Shirkii Mideynta Canshuurta Dekadaha Dalka

Wasiirka Maaliyadda Federaalka Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa soo xiray shir looga arinsanayey sidii loo midayn lahaa canshuuraha furdooyinka ee dalka.

Shirka waxaa qeyb galay Wasiirada Maaliyadda Maamulada dalka, Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan arrimaha Maaliyadda, Gudiga dib u habaynta Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo khubaro ka socotay Wasaaradda Maaliyadda.

Shirka ayaa daba socday kulmo dhowr ah oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Nairobi, waxaa diirada lagu saaray sidii wadanku u lahaan lahaa canshuur midaysan si culayska looga dulqaado dadka shacabka ah oo ay saamayntu ku yeelato canshuurahan is bar bar yaacaya oo maamulkasta uu qaado khidmad isaga u go’an.

Ad

Wasiirka Maaliyadda Bayle oo gabagabadii shirka la hadlay saxaafada ayaa sheegay in qodobo muhiim u ah mustaqbalka dalka aad looga dooday waxaana ka mid ahaa:

• In la sii amba qaadno sidii loo midayn lahaa cashuuraha iyo sidii dakhliyada wax looga qaban lahaa

• In dalka wixii soo galaya iyo wixii ka baxaya meel looga so wada jeesto

- Advertisement -

• In shuruucda khuseeya arrimaha maaliyadda ee la diyaarinayao meeshay doonaan haka socdaane in laysla ogaado marka la diyaarinayo

• In la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda ee XFS iyo Wasaaradaha Maamulada gobolada, shirar badan la yeesho, iyo in lasamaysto Email wada jir loogu xiriiro.

• In dalkaan wixii ka dhaxcaya oo ku saabsan arrimaha maaliyadda laga wadahadlo,

• Inaan sii ogaano waxyaalaha cusub oo aan doonayno inaan aduunka kula dhaqmayno iyo inaan isla fahano wixii aduunka aan ka aqbalayno.

- Advertisement -

• In la mideeyo daraasadaha la samaynayo ee ka dhacaya meelaha kala duwan, si looga fogaado in la sameeyo waxyaalo iska soo horjeeda.

In shirkaan kan ku xiga lagu qabto Garoowe mudo 45 casho kadib ah
Shirkan oo labo maalmood socday waxaa dhinac Puntland ka socday Wasiirka Maaliyadda Puntalnd C/laahi sheekh Axmed, agaasimaha Dakhliga Cismaan, waxaa kaloo ka qaybgalay Wasiiradda maaliyadda ee maamul goboleeyadda Dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON