Tuesday, June 24, 2025

AKhriso: Qodobo laga soo saaray Shirkii Wasiiradda Maaliyadda Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadda

Shirka Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyadda oo ka socday magaaladda Kismaayo ayaa maanta lasoo gabagabeeyey, iyaddoo shirkaasi laga soo saaray qodobo dhowr ah.

Shirka oo  looga hadlay Dhaqaalaha Dalka iyo mideynta Canshuuraha Soomaaliya, ayaa waxaa  laga soo saaray qodobadaan:-

1- Waxay xoojiyeen qodobada Shirkii ugu horreeyey ee Wasiiradda Maaliyadda ay ku  yeesheen magaaladda Garoowe bishii 3 November 2017, kaasi oo lagu aas-aasay madasha Wasiiradda Maaliyadda Dowlad goboleedyadda iyo Dowladda dhexe, iyaggoo ku baaqay in laga wada shaqeeyo xoojinta Xiriirka ay leeyihiin dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada iyo sare u qaadida hufnaanta maamulka maaliyadda dalka.

2- waxay isku dhiiri geliyeen in la helo lagana wada shaqeeyo wadiiqo isku furnaan ganacsi ah.

3- waxay isla garteen in mideynta cashuuraha dalka uu dhiirigelin xooggan u yahay cirib tirka caqabadaha kala xirnaanta ganacsiga maamul goboleedyadda.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle oo la hadlay Warbaahinta qaranka, ayaa boggaadiyey qabsoomida shirarka noocaan oo kale ah, isagoo xusay in horumar ballaaran Dowladda Soomaaliya in ay  ka sameeysay mideynta canshuuraha dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON