Thursday, July 10, 2025

Akhriso: Saacadaha Soonka Bisha Ramadaan ee dalalka Caalamka

Waxaa maanta inta badan caalamka ka bilowday bishkii kheyrka iyo barakada ee Ramadaan, haddana waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa saacadaha laga soomayo dalalka caalamka oo qaarkood ay aad u dheer yihiin halka kuwo kalena saacadaha maalintii ay yar yihiin.

ramadan-mubarak

SHAXDA HOOSE WAXAY MUUJINEYSAA SAACADAHA BISHA RAMADAAN LAGA SOOMAYO DALAL KALA DUWAN OO DUNIDA AH

Dalka

Saacadaha Soonka 2015

DENMARK

21 Saacadood

Sweden, Norway, Iceland

20 Saacadood

Russia

19 Saacadood

Belguim, Holland

18:30

Spain, Canada

17:30

Turkey, Japan, N. Korea China

17 Saacadood

Masar, Britian, Germany, Suriya

16:30

France, Italy

16 Saacadood

 Iiran

15:50

Tunusia, Sacudiga, Falastiin, USA

15 Saacadood

Yeman, Imaaraadka, Qatar

14:50

Aljeeriya, Sudan, Libya Maroko, Mauritania, Ciraaq…

14 Saacadood

Mexico, Somalia

13:20

India, Pakistan Singapore

12 Saacadood

Brazil

11 Saacadood

K/Afrika

10:30

Australia

10 Saacadood

Argentine

9:30

Waxaa halkan ka muuqata in dalalka Cirifka Waqooyi ee dunida ku yaala ay ugu waqti dheer yihiin, Denmark ayaa noqotay dalka ugu maalin dheer oo dadka ku nool ay soonkoodu gaarayo 21 Saacadood.

Dhinaca kale Dalalka Koonfureed ayaa noqday kuwa ugu maalinta yar, sida ka muuqata dalka Argentine oo ah dalka ugu saacadaha yar oo Soonku ku dhammaanayo muddo 9:30 oo kaliya.

Waxaa xusid mudan in hal dal gudihiisa ay dhici karto in saacadaha maalintii kala bataan, siiba haddii dalkaasi yahay mid baaxad leh, waxaana laga arki karaa taasi dalalka Mareykanka iyo Russia oo kale.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-5″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON