Iyadoo xiisada siyaasadeed ee ka taagan Galmudug ay kasii dartay ayaa madaxda sare ee is khilaafsan ay isku xireen shuruudo adag.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Carrabey ayaa diiday waanwaan ay wadeen qaar ka mida xildhibaannada labada aqal ee tegay Cadaado, kuwaasoo lagu eedeeyay inay dhinac la safteen.
Xildhibaannadaas oo uu hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare ayaa labada dhinac u kala dab qaaday, waxayna go’aan adag kala kulmeen dhinaca guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo xabsi guri uu geliyay madaxweyne Xaaf.
Shuruudaha ay Xaaf ku xireen ayaa ahaa kuwa hoos ku qoran
- In Xaaf uu aqoonsado oo tixgeliyo go’aamada Dowladda federaalka ee khuseeya arrimaha dibadda.
- In uu ka noqdo go’aankii uu ku taageeray xulafada Sucuudiga ugana horyimid Dowladda Federaalka.
- In uu raaligelin ka bixiyo xabsi guriga la geliyey guddoomiyaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.
- In uu magaalada ka saaro ciidamo beeleedyada uu magaalada ka soo buuxiyey Xaaf
- In wada hadalka ay a ka qayb-galaan Wasiiro ka tisran Federaalka oo ka soo jeeda Galmudug iyo weliba Xildhibaano kale oo ay magacaabeen, oo Muqdisho lagu xanibay
Xildhibaanada labada gole ee tagay Cadaado ayaa soo jeediyay in meesha laga saaro qodobka labaad, taasoo keentay in lagu kala boodo waanwaantii, waxaana xaaladdu isu bedeshay mid kasii dartay, halkii xal loo heli lahaa.