Muran ayaa hareeyay magacaabidda xubnaha Guddiyada Doorashada 2020/2021, kadib markii xukuumadda Soomaaliya soo magacawday xubno la sheegay inay ka mid ahaayeen shaqaalaha xafiisyada madaxda, askar iyo Sirdoonka NISA.
Waxaa ilaa hadda la magacaabay Guddiyada doorashada maamul Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo K/Galbeed, halka Ra’iisal wasaaraha uu magacaabay Guddiga Doorashada Somaliland. Sidoo kale waxay dowladu magacawday Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Guddiga xalinta khilaafaadka.
Haddaba shuruudaha loo dhigay xubnaha ka mid noqonaya Guddiyadan oo lagu qeexay Habraaca Hirgalinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada 2020/2021 ayaa waxaa muuqda inay garab mareen madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada xiriirka la leh.
HOOS KA AKHRISO SHURUUDAHA:
1. Waa inuu yahay muwaaddin Soomaaliyeed, Muslim ah, dhimirkiisu dhan yahay, da’adiisuna ka yareyn 30 sano xilliga la magacaabayo.
2. Waa in uu yahay qof dhexdhexaad ah, ku leeyahay sumcad wanaagsan bulshada dhexdeeda
3. Waa inuu yahay qof hufan, karti leh, una gudan kara waajibaadkiisa si daahfuran.
4. Waa in Maxakamadi aysan ku xukumin xarig ka dhashay fal danbiyeed ciqaab ah shanti sano ee ugu danbeysay.
5. Waa in uusan xil siyaasadeed ka hayn dalka
6. Waa in aqoontisu aysan ka hooseyn heerka kowaad ee Jaamacadda ama waayo aragnimo u dhiganta leeyahay.
7. Waa inuu fahmi karaa, nidaamka doorashooyinka dadban ee 2020/21.
8. Waa in uusan wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah
