Monday, June 23, 2025

Akhriso: Taariikh Nololeedka Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta 23-ka Febraayo 2017  magacaaby Ra’iisal wasaare cusub.

Waxaan dib u eegneynaa taariikhda Ra’isal wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Khayre.

Wuxuu dhashay sanadku marka ay aheyd 1968, waana nin dhalinyaro ah marka loo eego dadakii uga horeeyay xilkan.

Xasan Cali Khayre wuxuu degaan ahaan kasoo jeeda Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud oo uu kusoo qaatay noloshiisii hore

Ra’isul wasaaraha magcaaban wuxuu heysta dhalashada Dalka Norway, waxa uuna dalkaasi ku noolaa wakhti dheer.

Xasan Cali Kheyre wuxuu kasoo shaqeeyay arrimaha samafalka iyo Bani’aadannimada, isagoo madax ka soo noqday Hay’adda  Guddiga Qaxootiga Norway ee NRC.

Wuxuu kaloo markii dambe madax ka ahaa Qeybta Afrika Shirkadda Som Oil And Gas oo fadhigeedu yahay Dalka Britain, taasoo dowladii Xasan Sheekh heshiis kula gashay sahminta shidaalka dalka.

Mar kale wuxuu Hassan Kheire yahay ganacsade, ku howlan dhinaca ganacsiga. NRC ayuu intii u dhexeysay Sanadihii 2006-2014 waxa uu ka soo qabtay Agaasimaha Geeska Africa iyo Yemen .

2014 ayaa waxaa loo Magacaabay Howl Fulinta Africa Shirkadda Som Oil And Gas ee laga leeyahay Dalka Ingiriiska.

February 17, 2016: UN Monitoring Group ayaa soo saaray warqad ay ku dalbanayaan in la baaro Xasan Kheyre dhaqdhaqaadiisa xagga cashuuraha, lacagaha ugu jira Bangiyada,  iyagoo ku eedeeyay in ay ku tuhmayaan in uu xiriir la leeyhay kooxo ay ka mid tahay Xarakada Al-shabaab.

June, 9, 2016: Warqad la daabacay, waxaa ay UN monitoring ku bari yeeleen Xasan Kheyre in uu wax xiriir ah la leeyahay kooxaha loogu yeero argigixisada.

Dacwadii Xasan Kheyre ee UN monitoring Group ayaa xaqiiqadeeda la gaaray iyadoo qareen uu qabsaday dacwad ku soo oogay Guddiga, kadibna la beeniyay wararkii laga faafiyay. [Daawo natiijada dacwadda]

Muddadii uu madaxda ka ahaa xafiiska Muqdisho ee Soma Oil and Gas, waxaa shirkaddaas lagu eedeeyay musuq iyo heshiisyo been-abuur ah.

August 1, 2015: Xafiiska baarista dambiyada halista ah ee dalka Ingiriiska ayaa shaaciyey in la furey gal dacwadeed ka dhan ah shirkadda shidaalka ka baarta Soomaaliya ee Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalkaasi Ingiriiska.

August 6, 2013 : Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkadda Soma Oil and Gas , oo ah shirkad markaas uun la sameeyey oo laga leeyahay dalka Ingiriiska , hawsha ay qabanayso shirkada waa uruurinta macluumaad la xiriira keydka shidaalka ee badda Soomaaliya.

Xasan Cali Khayre, ayaa waxaa uu noqonayaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, waxaana muddo bil ah looga fadhiyaa in uu ku soo magacaabo Golaha Wasiirada, iyadoo ay ka horeyso inuu kalsooni ka helo Baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON