Wednesday, June 25, 2025

AKHRISO: Taariikhda Muuse Biixi Cabdi [Musharaxa Madaxweynaha Somaliland]

Muse Biixi Cabdi gudoomiyaha xisbiga talada haya Somaliland, ahna murashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye wuxuu ku dhashay miyiga Hargeysa 1948. Wuxuu sheegay inuu waxabarashadiisii Quraanka, dugsiga hoose iyo dhexeba uu ku qaatay magaalada Hargeysa. Dugsiga sare ee Cammuud ee Borama ayuu ka qalin jebiyay 1970-kii. Ka dib wuxuu ku biiray ciidamada cirka ee Soomaaliya. Sanadihii 1970 illaa 1973, wuxuu tababar sarkaalnimo siiyay Midowgii Soviet.

Markii uu ku soo noqday dalka, wuxuu ka hawlgalay saldhigyadii ciidankii cirka ee Balli-doogle, Baydhabo iyo xaruntii dhexe ee ciidankaasi ee muqdisho.
Muse Biixi Cabdi wuxuu 1981 ilaa 1982 tababar ku qaatay saldhigga milliteriga Mareykanka ee gobolka Ohio kaas oo lagu magacaabo “Dayton Air Base”.

Korneyl Muse biixi Cabdi ayaa sidoo kale tababar ku qaatay sakadeemiyada gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ee lagu magacaabo “Fort Lee”, sanadihii 1983 illaa 1985.

Muse Biixi Cabdi gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye
Muse Biixi Cabdi gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye

Muse Biixi Cabdi, markan kuma noqon Somaliya ee wuxuu toos uga degay Ethiopia 5 May sanadkii 1985. Wuxuu ku biiray jabhaddii SNM ee dagaalka kula jirtay dawladdii Maxamed siyaad Barre.

Korneyl Muse Biixi oo ka mid ahaa taliyayaashii ugu magaca dheeraa SNM, markii dawladdii dhexe ee Somaliya burburtay ee Somaliland na goonni isu taagtay, wuxuu 1993dii noqday wasiirkii Arrimaha gudaha Somaliland ee dawladdii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Wuxuuna wasaaraddaasi hayay muddo oo uu ku soo can baxay.

Muse Biixi wuxuu ka mid noqday gudigii fulinta, markii la aasaasay Xisbiga Kulmiye bishii may 2002-dii, isagoo gudoomiye kuixigeenka kowaad loo doortay 2008.

Muse Biixi waxaa gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye loo doortay 10 nofembar 2015-kii, ka dib shirweynihii xisbiga, waxaana loo xushay in uu noqdo musharraxa xisbiga. Wuxuu ku hadlaa luqdaha English, Carabi, iyo Ruush. Wuxuu Jaamacadda Hargeysa ka dhammeeyay shahaadada sare ee cilmiga xallinta khilaafaadka, 2008 ilaa 2010.

Muuse biixi wuxuu leeyahay laba xaas iyo todoba caruur ah. saddex wiil iyo afar gabdhood.

Wuxuu hadda u loolamayaa xilka madaxweynaha shanaad ee Somaliland isagoo metelaya xisbiga hadda talada haya ee Kulmiye.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON