Waxaa goor dhow la shaaciyey talo soo jeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ku gaareen magaalada Baydhaba 16 kii Febraayo 2021.
Tallooyinka Guddiga Farsamada ayaa ahaa kuwo loo gudbin lahaa Shirkii madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada si ay uga doodaan, kadibna isula qaataan oo ay u saxiixaan, kadibna muddo 2 bilood ah lagu qabto Doorashada.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa caawa faafisay talo soo jeedintaasi iyadoo aanu qabsoomin shirkii madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada, taasoo laga yaabo inay xaaladda uga sii darto xilli lagu howlan yahay in la qabto shir loo dhan yahay, ayna soo baxeen shuruudo cusub.

HOOS KA AKHRISO



