Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa shaaciyay in qeyb ka mida ergada dooraneysa xildhibaanda aqalka hoose ee Baarlamaanka inay soo gudbiyeen odayaasha dhaqanka.
Ergada dooraneysa Baarlamaanka aqalkiisa hoose ayaa tiradoodu gaareysay 14,025 ayuu guddigu sheegay in ilaa hadda la soo gudbiyay 6,528 xubnood, taasoo ku dhow kala bar 50%.
10-ka bishan Oktoobar ayay ahayd maalinta u danbeysa ee loo qabtay Odayaasha dhaqanka inay ku gudbiyaan ergada iyadoo weli ay qabto tahay arrintan ayaa lagu daray muddo laba maalmood ah oo kale.
Guddiga ayaa ugu baaqay maamulada aan weli soo gudbin ergada inay muddo laba maalmood ah ku soo gudbiyaan ergada. Afhayeenka Guddiga Nafiso Santuur ayaa sheegtay in kursigii ergadiisa ay diyaar tahay la guda geli doono doorashadiisa.
Sida loo soo kala gudbiyay ergada ayaa kala ah, waxaana bogaadin loo jeediyay maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo inta badan ergada loo soo gudbiyay.
Jubbaland : Ergada 42 kursi,
Koonfur Galbeed : Ergada 57 kursi
Galmudug: Ergada 12 kursi
Puntland Ergada : 6 kursi
iyo Hirshabeelle: 11 kursi
Dhageyso warbixinta Guddiga
Goobjooge.com