Thursday, June 26, 2025

AKHRISO: Waa Maxay Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee Nairobi..?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayay Kenya uga billaabatay maanta saddex maalmood oo booqasho rasmi ah. Haddaba waa maxay qorshaha madaxweynuhu?

Haddaba waa maxay qorshaha madaxweynuhu?

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu la kulmi doonaa dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta maanta oo Khamiis ah. waxaana la filayaa in ay isla soo qaadaan arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, qaxootiga, iyo abaaraha.

Waxa lagu wadaa in labada madaxweyne ay si wada jir ah u qabtaan shir jaraa’id. Waa booqashadii rasmiga ahayd ee u horaysay ee Madaxweyne Farmaajo ku yimaado Kenya.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya waxaa la filayaa in uu ka qeyb galo kullan gaar ah oo madaxda waddamada IGAD ku yeelan doonaan Nairobi maalinta Sabtida ah.

Kullankan oo ay marti gelinayso Kenya waxaa lagu eegi doonaa xaaladda abaarta iyo sidii wax looga qaban lahaa, arrinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya doonayso in ay dib ugu celiso Soomaaliya, Xaaladda ammaanka, iyo dabcan taageerada IGAD ee kullanka Soomaalida ee lagu qaban doono London bisha May ee soo socota.

Kenya waxay ka mid tahay dalalka ciidammada ku biiriyey hawlgalka Amisom, waxayna door muhiim ah ka qaadanaysaa ammaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Kenya iyo Soomaaliya waxaa dhex yaala muran ku saabsan xuduudda badda arrintaasi oo haatan hor taala maxkamada caalamiga ah ee ICJ

Arrimaha qaxootiga ayaa lagu wadaa in aad loo falanqeeyo inta uu madaxweynuhu joogo Kenya
Arrimaha qaxootiga ayaa lagu wadaa in aad loo falanqeeyo inta uu madaxweynuhu joogo Kenya

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horaysay tan iyo markii la doortay fursad u heli doona in uu la kulmo hoggaamiyaasha dalalka IGAD oo afar ka mid ah ciidammadooda ay ka howlgalaan Soomaaliya. Dalalkaasi waxay kala yihiin Kenya, Itoobiya, jibouti iyo Uganda.

Kullankan IGAD oo ay sidoo kale riixayso hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR ayaa waxa la filayaa in la isku waydaarsado fikrado ku saabsan sida ugu wanaagsan ee loo abaari karo arrinta dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku sugan.

Kenya ayaa sheegtay in ay albaabada u laabayso xerada qaxootiga ugu wayn dunida ee Dadaab meesha lagu gaaro bisha afraad ee sanadkan, waxayna bilawday qorshe uu qaxootigu iskii dib ugu laabanayo Soomaaliya.

Balse su’aasha la isweydiinayo ayaa ah qaxootiga dib ma loogu celin karaa Soomaaliya xilligan oo dalka ay ka jiraan abaaro iyo cabsi ah in ay dhacdo macaluul.

BBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON