Waxaa mar kale maanta magaalada Jowhar ka dhacday doorashada xildhibaanada aqalka hoose, iyadoo la doortay saddex kursi.
Xildhibaan Cali Nuur Xuseen (Boodaaye) oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ayaa looga adkaaday doorashadii aqalka Hoose Kursiga Beesha Xawaadle/Cabdi Yuusuf markii uu wareegii labaad helay 23 cod, waxaana ka guuleystay C/risaaq Axmed Maxamed (C/risaaq Dheere) oo ah Ganacsade degan magaalada Nairobi oo helay wareegii labaad 28 cod, halka musharixii saddexaad ee Maxamed Aadan Geeddi uu ku haray wareegii koowaad.
Kursiga ka mida kuraasta Beesha Gaaljecel waxaa ku tartamay Zamzam Ibraahim Xuseen iyo Maryan Axmed Haaruun, waxaana 38 cod ku guuleystay Maryan Axmed Haaruun, halka Zamzam Ibraahim Xuseen ay heshay 18 cod.
Kursigii labaad ee Beesha Ujeejeen waxaa ku guuleystay Maxamuud C/llaahi Axmed oo helay 38 cod, halka Cali Xasan Cusmaan uu helay 9 cod, waxaana kursigan u codeynayay 47 ergo.
Saddexdan kursi ee maanta lagu doortay magaalada Jowhar ayaa wadarta xildhibaanada ee lagu doortay Jowhar ka dhigeysa 23 xildhibaan, waxaana ilaal iminka harsan 14 xildhibaan.
Goobjooge.com