Wednesday, June 25, 2025

Akhriso: Xubin lagu ansixiyey kulankii Golaha Baarlamaanka ee Muqdisho & Xeer la qeybiyey

kulankaan uu shir Guddoomiye ka ahaa Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh.Cismaan Jawaari ayaa waxaa soo xaadiray mudanayaal gaaraya 159 mudane..

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa waxa ay guda galeen ajendayashii maanta la hor keenay iyadoo uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku wargeliyay mudanyaashaa Golaaha in ay cod u qaadaan ajendaha koowaad oo ahaa Xubin ka mid noqondoona Guddiga Madax-Banaan ee Hirgalinta Dastuurka, waxaana Muumino Sheekh Cumar u codeeyay Xldhibaano tiradoodu gaareysa 158 Mudane, waxaa ka aamusay sidoo kale hal Xildhibaan, ma jirin Mudane diiday sidaas ayayna ku gudbiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxa ay u gudbeen ajendaha labaad oo ahaa Qeybin Warbixinta wax ka bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka iyo ka doodistiisa waxaana Guddoonka uu u sheegay mudanayaasha Golaha in ay soo akhristaan si ay uga doodaan kulamada xiga.

Xafiiska Warfaafinta Golaha Shacabka

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON