Friday, June 27, 2025

AKHRSO: Liiskii ugu danbeeyay Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha & ku xigeenka Hirshabeelle

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in 5 musharax ay isugu soo hartay tartanka doorashada xillka madaxweynaha maamulka cusub ee Hirshabeelle.

Baarlamaanka maamulka ayaa maanta dhageysanaya khudbooyinka musharixiinta, waxaana la filayaa inay doorashadu dhacdo isniinta beri.

madaxweynaha-hirshabeelleMusharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle waxay kala yihiin:

Cali Cabdulaahi Cosoble

Maxamed Cabdi Waare

Cali Maxamed Carraale

Dhammaan waxay musharaxyada ka soo jeedaan Beesha Xawaadle oo si hoose loogu heshiiyay in la siiyo xilkan. waxaana liiska ka baxay guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabgeed iyo guddoomiyihii hore C/fataax Hassan Afrax oo xilal wasiiro ah loo balanqaaday.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweyne ku xigeenka  maamulka Hirshabeelle.

Cali Guudlaawe Xuseen iyo

Cali Xasan Taakoow

Labadan musharax oo ka soo jeeda beesha Abgaal ayaa hore loogu heshiiyay ciddii xilkan loo dooran lahaa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON