Monday, June 23, 2025

Al-shabaab oo sababtay inay go’do Isgaarsiinta Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya

Kooxda Alshabaab ayaa sababtay inay go’do isgaarsiinta deaanno dhowr ah oo ka tirsan Waqooyiga Bari ee Kenya.

Taliyaha booliska Wajeer Stephen Ngetich ayaa xaqiijiyay in rag hubeysan oo loo maleynayo inay Alshbaab ka trirsan yihin ay gantaal ku dhufteen dhismaha Laanta Sharikadda Safaricom ee Magaalada Katulo, iyadoo  burbur weyn kasoo gaaray anteenadii Shirkadda.

Ngetich Taliyaha Booliska Wajeer ayaa sheegay in weerar ay ku soo qaadeen magaalada Katulo shalay Al-shabaab aysan waxyeelo ka soo gaarin ciidamada iyo dadka rayidka ahba.

Arrintan ayaa sababtay inay go’do isgaarsiintii dadweynaha ee telefoonada shirkadda Safaricom oo ah tan ugu badan ee halkaasi laga isticmaalo, iyadoo ciidamada ay adeegsanayaan isgaariin  u gaara.

Weerarkan lagu qaaday Katulo ayaa imanaya shan maalmood kadib markii weerar gaadmo ah oo lagu qaaday ciidamo ku sugnaa Ceel-Waaq lagu diley shan kamid ah isla markaana lagu gubay gaari ay ciidamada lahaayeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON