Tuesday, July 15, 2025

Alshabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhigga Itoobiyaanka ee Halgan iyo qasaare culus oo ka dhacay

Weerar qorsheysan oo si weyn loo soo abaabulay ayay Al-Shabab ku qaaday Xerada ciidamada Itoobiya ku leeyihiin tuulada Halgan ee duleedka magaalada Beledweyne.

Weerarja ayaa ku bilowday qarax ismiidaamin ah, kadibna waxaa la sheegay in maleeshiyada Al-Shabab ay weerar loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ay ku  asqeeyeen saldhigga ciidamada Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal qaraar oo qasaare badan dhaliyay dhex maray labada dhinac, iyadoo ciidamada Itoobiya ay si weyn u dagaalameen halka maleeshiyada Alshabaab ay gudaha u galeen qeyb ahaan xerada Itoobiyaanka.

Maleeshiyada Al-Shabab ayaa la sheegay inay soo gaareen geeska danbe ee saldhigga cidamada Itoobiyaanka oo ku yaalla Koonfurta tuulada halgan, oo ay weerareen laba jiho ee Bariga iyo Waqooyiga.

Ciidamada Itoobiya ayaa dalbaday gurmad waxaana soo gaaray diyaarado helikobtarro ah oo dagaalka ka qeyb galay, waxaana halkaasi kadhacay dagaal la isku riiqday oo labada dhinac aanay waxba isula harin.

Maleeshiyo  fara badan ayaa la sheegay in Alshabaab laga dilay, halka ciidamada Itoobiya qasaare soo gaaray, waxaana la filayaa in faahnaahinta ay goor dhow soo baxdo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON