Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab iyo Ciidamada Dowladda oo Hub culus isku weydaarsaday Duleedka degmada Afgooye

Iska hor imaad hub culus la isku weydaarsaday ayaa dhex maray ciidamada dowladda iyo maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose kadib markii ay Alshabaab weerar hubka culus ah ku qaadeen fariisin ciidamada ku leeyihiin Afgooye.

Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Al-shabaab ayaa weerar u adeegsatay Hub culus iyadoo l beegsatay aldhig ciidamada dowlada ee duleedka magaalada Afgooye, waxaana la sheegay in labada dhinac ay is weydaarsadeen hubka culus oo in muddo ah la maqlayey qoryaha waaweyn ee Boobayaasha culus.

Xaaldda ayaa markii danbe degtay, iyadoo aan weli la sheegin qasaraha ka dhashay dagaalkaasi, waxayna dadka degaanka sheegeem inuu jiro qasaare kala gaaray labada dhinac.

Saraakiisha Afgooye ayaa sheegay inay Al-shabaab rasaas ay ka soo rideen goob ka dhig fariisinka ciidamada dowladda, isla markaana ay ciidamada jawaab ka bixiyeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON