Ciidamada maamulka Puntland ayaa howlgallo baaritaanno ah ka wada magaalooyinka maamulkaasi ee Boosaaso, Garowe, Gaalkacyo iyo magaalooyinka kale iyadoo la baadi goobayo kooxo Alshabaab ah oo iyagoo shaqsiyaad ah ku dhex dhuuntay magaalooyinka waaweyn.
Magaalada Boosaaso waxaa dhowaan lagu qabtay 150 ruux oo qaarkood lagu eedeeyay inay qarsoodi ku soo galeen magaalada, kana tirsan yihiin Alshabaab, waxaana sidoo kale ciidamada ammaanka Puntland aamisan yihiin in duulaankii Alshabaab ku qaadeen degaanada Puntland ay ku dhex jireen qorshooyin kale oo Alshabaab xubno ka mid ay ku dhex beerayaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland si ay amni darro uga geystaan.
Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa ka digay in dagaalkii Alshabaab aanu dhammaan, balse uu yahay bilow, wuxuuna ciidamada maamulkiisa iyo dadweynaha kula dardaarmay inay sii wadaan midnimadii looga hortegay Alshabaab.
Maleeshiyada Alshabaab ee ka dagaalantay degaanada Puntland ayaa qasaare laxaad leh kasoo gaaray, waxaana intii la hartay ay u gudbeen dhinaca Galmudug oo dagaal kale ku qabsaday.
Goobjooge.com