Thursday, June 26, 2025

Alshabaab miyaa magacawday Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee G/Banaadir..? [Warbixin + Faahfaahin]

Waxaa soo baxday tuhun ku saabsan inay Alshabaab ku lug yeelatay maamulka Ganacsatada Gobolka Banaadir, iyadoo soo magacawday Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga G/banadir Axmed C/llaahi Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii ay muddo dheer ku heshiin waayeen ganacsatada Muqdisho.

Qaar ka mida ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa kashifay in magacaabista guddoomiyaha Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdulaahi Xasan ay ka dambeysay Alshabaab, kadib markii ay u yeereen ganacsatada, kuna amreen inay guddoomiye ka dhigtaan ninkan lagu magacaabo Axmed C/llaahi Xasan.

Barnaamijka Bandhigga ee VOA-da ayaa bannaanka soo dhigay arrintan, waxaana ganacsade la wareystay uu sheegay inuu ninkan ahayn ganacsato, balse uu ka yimid degmada Xarardheere, isla markaana uu yahay qof Alshabaab wadato.

Wareysi lala yeeshay guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdulaahi ee lagu eedeeyay inay magacwaday Alshabaab ayuu ku beeniyey inay Alshabab magacawday, sidoo kale Guddoomiyaha rugta ganacsiga qaranka Maxamud Cabdulaahi Gabayre ayaa ku adkeystay inuu isagu magacaabay; iyadoo Guddoomiyaha G/banaadir Cumar Filish uu caddeeyay inuusan fileyn arrintan.

Xilka Guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir ayaa muddo dheer banaanaa kadib markii uu geeriyooday guddoomiyihii hore C/rashiid Shire Ilqeyte Novembar 2015, ganacsataduna ay ku heshiin waayeen ciddii bedeli lahayd.

Xafkadii lagu magaaabay guddoomiyaha Rugta ganacsiga G/banaadir

HOOS KA DHAGEYSO BARNAAMIJKA VOA-DA


AKHRISO QORAALKA LAGU MAGACAABAY

Kulan lagu qabatay xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayna  ka soo qayb galeen Ganacsatada Gobolka Banadir ayaa Gudoon cusub oo ku meel gaar ah loogu magacabay Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir mudanayaasha kala ah:

  1. Mudane Axmed Cabbdullahi Xassan (Guddomiye).
  2. Mudane: Axmed Jimcaale Maxamuud (Guddomiye ku xigeenka koowaad).
  3. Mudane:Shire Nuur Gacal (Guddomiye ku xigeenka labaad).
  4. Mudane: Ibraahim Abuukar Amiin Shaamow (Guddomiye ku xigeenka sadexaad).
  5. Mudane: Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Xuseen (Xoghaye Guud).
  6. Mudane: Moxamuud Maxamed Ibraahim (Madaxa Ganacsiga Guud & Maaliyadda).

Mudda xileedka mas’uuliyiintan ayaa ah muddo laba sano ah oo ka bilaabata maanta ooy taariikhdu tahay 17-12-2019. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha Soomaaliyeed (Maxamuud Cabdi Cali  ”Gabayre”  oo ka hadlay munaasabadda magacaabidda ayaa sheegay in wada tashi dheer ka dib ay go’aan sadeen in si kumeel gaar ah Maamulkan loogu magacaabo muddo laba sano ah, kadibna loo diyaar garoobi dono doorasho.

HOOS KA DAAWO SOO XAFLADII SOO DHOWEYNTA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON