Tuesday, June 24, 2025

Alshabab oo 3 maalmood gudahood ku burburisay xaruntii 2-aad ee Isgaarsinta Shirkadda Safaricom. (Sawirro)

Alshabaab ayaa sheegatay weerar kale oo xalay xilli danbe lagu qaaday xarun Isgaarsiin iyo Saldhig Boolis oo ku yaalla degaanka Kamuthe ee maamulka Garisa, Waqooyi Bari, Kenya.

War uu sioo saaray taliska ciidamada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qabsaday xero ciidamada Booliska Kenya ku lahaayeen deegaanka Kamuude oo ay ku soo furteen hub iyo saanad ciidan, iyagoo la wareegay gacan ku heynta deegaanka, halkaasoo ay ku dileen saddax Macalin Nasaaro Kenyaan ah, ayna gubeen saldhiggii Booliska iyo xarumihii maamulka.

Dhinaca kale talyaha Booliska Gobolka Waqooyi Bari Paul Soi ayaa sheegay in weerar dhacay 2:30 Daqiiqo ee xalay saqdii dhexe kadib lagu diley saddexda Macalin, laguna beegsaday xarun isgaarsiin, iyadoo waxyeelo weyn ay kasoo gaartay weerarka Alshabaab oo qeyb ahaan saldiggaasi burburiyey.

Waa weerarkii labaad ee Alshabaab degaankan ku qaado muddo 48 saacadood ah iyo xaruntii labaad ee Safariconm oo la burburiyo, kadib weerarkii degaanka Olla ee Mandheera oo isna lagu burburiyey xarun isgaarsiin iyo saldhig Boolis.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON