Saturday, June 28, 2025

Alshabaab oo baahisay Dardaaranka Is-miidaamiyihii isku qarxiyay Hotel Dayax [Dhageyso]

Warbaahinta Alshabaab ayaa baahisay farriin dardaaran ah oo laga duubay mid ka mida is-midaamiyeyaashii isku qarxiyay Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Fatxi C/llaahi Dheeg, ayaa hore uga tirsanaa askarta maamulka Jubbaland, wuxuuna ka baxsaday magaalada Kismaayo kadib markii uu khaarijiyay taliyihii hore ee ciidamada nabadsuggida Jubbaland Ciise Alaaki oo ku magac dhereaa (Ciise Kaambooni), kaasoo dlkiisu ka dhacay Kismaayo 19-kii Feberaayo sanadkii 2014.

Alshabaab ayaa sheegtay inuu ka soo jeeda Beesha Ogaadeen iyo degaanka shanaad ee Itoobiya heysato, isla markaana muddo 10 sano uu kooxda ka mida ahaa.

Dardaarankiisa waxaa ka muuqda inuu in muddo ah sugayay sidii uu is qarxin u fulin lahaa, taasoo markii hore aan u qorsheysneyn.

DHAGEYSO QEYB YAR OO KA MIDA CODKIISA

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON