Sunday, June 22, 2025

Alshabaab oo baahisay farriin laga duubay Oday Is-miidaamiye ahaa oo 4 sano ka hor isku qarxiyey Hotel SYL

Qeybta Warbahinta Alshabaab ayaa baahisay farriin uu reebay mid ka mida is-miidaamiyeyaashii ugu waaweynaa oo qarax culus ka geystay magaalada Muqdisho.

Farriinta waxaa laga duubay Shukri C/llaahi Diiriye oo loo yaqiin (Jaabir), kaasoo sanadkii 1972, ku dhashay degaanka Busaar ee Gobolka Gedo, wuxuuna kasoo jeeda Beesha Mareexaan. Ninkan odayga ee is-miidaamiyaha ah wuxuu ka trisanaa ciidamada jeyshka loo yaqaan ee Alshabaab iyo qeybta Dacwada, isagoo markii danbe ka mid noqday is-miidaamiyeyaasha Alshabaab.

Muuqaalka farriinta Shurki C/llaahi ayaa ka mida taxane ay Alshabaab bilowday inay baahiso oo ku saabsan farriimihii dardaaranka ee laga reebay raggii is-miidaamiyey ee Alshabaab, wuxuuna ninkan ahaa mid ka mida kuwa da’da weyn ee is-qarxiyey.

Ad
IS-MIIDAMIYE: Shukri C/llaahi Diiriye oo loo yaqiin (Jaabir): WUXUU ISKU QARXIYEY HOTEL SYL 30 OGOST 2016

Weerarka uu isku qarxiyey ayaa ayuu la beegsaday Hotelka SYL 30-kii Ogost 2016, isagoo waday Gaari xamuul ah oo xoog ku jiiray barta Sayidka ee laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna geysay burburkii ugu weynaa ee uu geysto qarax Hoteelka lagu beegsaday oo saameyn ku yeeshay dhammaan dhismooyinka ku dhowaa. Waxaana qaraxa dhaawac iyo dhimasho kasoo gaartay dad ay ka mid yihiin mas’uuliyiin (Halkan ka akhriso)

Farriintiisa ayuu ku sheegay inu Carruurtiisa kuwa qaangaarka ah uu Alshabaab ku biiriyay, halka kuwa aan weli qaangaarin uu kula duardaarmay inay tagaan xeryaha lagu tababaro maleeshiyada Al Shabaab. Dardaarankiisa ayuu uga hadlay waxa ku kalifay inuu is-qarxiyo, wuxuuna gaaleysiinayaa dowladda Soomaaliya iyo dadka ka tirsan.

HOOS KA DAAWO BURBURKA UU GEYSTAY IS-MIIDAAMIYE JAABIR

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON