Warbaahinta kooxda Alshabaab ayaa baahisay warbixin ku saabsan mid ka mida raggii fuliyey qaraxyadii ka dhacay Hotelka Saxafi Jimcihii 9-ka Novembar 2018.
Ninkan oo wareysi lala yeeshay markii uu isu diyaariyey weerarka ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Aadan Mursal oo ku magac dheeraa (Axmed Guduud), wuxuuna kasoo jeedaa beesha Hadamo gaar ahaan jufada Liksi ee degta gobolka Bakool, isagoo ku dhashay degmada Rabdhuurre ee Bakool.
Ninakn ayey Alshabaab baahisay taariikhdiisa iyo sida uu kooxda ug biiray, isagoo ka hadlay sababaha keenay inuu is-miidaamiyo, waxaana caado u ah Alshabaab inay baahiso magacyada iyo dardaraaranka is-miidaamiyeyaasha fuliyo qaraxyada waaweyn.
Weerarkii Hotel Saxafi ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 52 ruux, waxaana ku dhaawacmay 106 ruux oo dhamaantood ahaa dad shacab masaakiin ah, waxaana loo adeegsaday saddex gaari oo qaraxyo sida.