Alshabaab ayaa bayaan gaar ah kasoo saaray weerarkii ay ku qaadeen Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho, iyadoo sheegay in bartilmaameedkooda ugu weyn uu ahaa Jen. Maxamed Nuur Galaal.
“Mid kamid kamid xubnaha ugu muhiimsan ee lagu dilay hawlgalkaas waa Jeneraal Maxamad Nuur Galaal, kaas oo ahaa bartilmaameedka koowaad ee hawlgalka.Galaal ayaa muddo dheer waxaa uu ahaa nin u heellan loona soo carbiyay la dagaalanka ku dhaqanka Shareecada Islaamka, waxaa uu aqoontiisa iyo khibradiisa dhanka sirdoonka ciidamada ah u adeegsan jiray inuu kula dagaalamo Mujaahidiinta. Waxaa uu ku lug lahaa hagardaamooyin dhawr ah oo ay gaaladu ku dileen rag Mujaahidiin ah. Waxaa raggaas kamid ahaa Macalim Aadan Xaashi Cayrow kaasoo lagu dilay duqeyn ay Maraykanku ka geysteen Magaalada Dhuusamareeb bishii May 2008” ayaa lagu yiri bayaanka Alshabaab kasoo baxay.
Waxay ku eedeeyeen Marxuum Jeneraal Galaal inuu ku lug lahaa abaabulka dagaallo ka dhan ah Alshabaab, isagoo uu kaalin lixaad leh ka qaatay abaabulka maleeshiyaad ay xabashida Itoobiya (Ahlu suna) ku dhistay kuna hubaysay gobollada dhexe, wuxuu dadaal xooggan ku bixiyay yagleelidda waxa loogu yeero maamulka Galmudug.
Alshabaab waxay bayaankooda ku caddeeyeen inay muddo 13 sano ah ku raadjoogeen, ugu dambayntiina ugu dheceen qolkii uu ku dhuumaalaysanayay ee xarunta uu ka deganaa Magaalada Muqdisho.
Alshabab waxay sheegteen inay weerarka ku dileen 23 qof, ayna ku dhawaceen 40 kale. halka dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in dagaalka lagu dilay 9 qof oo ay ku jiraan 4 ka mida maleeshiyada Alshabaab iyo dhaawaca 10 kale.