Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka xayiraadda hubka ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in Alshabaab ay dahqaale badan ka sameyso gudaha Soomaaliya, iyadoo adeegsata Bankiyada gudaha, isla markaan gaaray heer ay iibsato dhul, ayna hanti fara badan ku hesho canshur ay ururiso.
Warbixinta Guddiga Q/Midoobay oo uu helay Wargeyska caanka ah ee New York Times ayaa ka qoray qormo ku saabsan warbixinta Guddig oo lagu sheegay in Al-Shabaab ay awood u leeyihiin adeegsiga lacagta taleefoonada lagu diro , isticmaalka Bangiyada, ayna maalgashadaan Guryaha waaweyn iyo dhulka.
Xogtan laga helay khubarada golaha loo dhan yahay ayaa waxaa sidoo kale ay tibaaxaysaa in Al-shabaab ay canshuurta ay ka qaadaan Muqdisho iyo meelo kamid ah koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ay bar bar socota Zakawaad ay ka uruuriyaan dadka.
Warbixinta ayaa sheegtay in Decembar 2019 ilaa Ogost 2020 ay Alshabaab ururiyeen lacag gaareysa 13 Milyan oo Dollar, waxaana ka mida 2.4 Milyan oo dollar oo laga ururiyey isbaarooyinka u yaalla Jubbooyika, halka 5.8 Milyan oo Doolar ay Alshabaab ka qaadeen Ganacsatada iyo dekadda magaalada Kismaayo.
Laba Xisaab (Account) oo Alshabaab leeyihiin ayuu Guddiga Q/Midoobay sheegay in lacag gaareysa 3 Milyan oo Doolalr ay ku shubeen ganacsatada Bagaashka, shirkadaha Maraakiibta leh iyo kuwa Gaadiidka soo dejiya.
Guddiga Q/Midoobay ayaa Warbixintooda ku sheegay lacgao fara badan oo lagu kala wareejiyey Bankiyada, kuwaasoo ka badan 10,000 Doollar taasoo ah xadka la rabo in faahfaahin laga bixiyo, isla markaana 24 saac gudahood laba accoun loo wareejiyay lacag dhan 322,000 Doolar.
JAWAABTA DOWLADDA
Wasiirka Maaliyada xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa qirtay in Alshabaab ay si weyn u adeegsadaan hay’adaha Maaliyadda gudaha. Wuxuu intaas ku dtay inay la kulmaan Bankiyada una sheegaan halista ka imaan karta arrintaasi.
Alshabaab ayuu ku tilmaamay inay yihiin koox Maafiya ah oo mar kasa oo akoono laga xiro ay furanayaan kuwo kale si ay lacagaha isugu gudbiyaan, ayna yihiin dad maskax badan oo xariifiin ah.