Kooxda Alshabaab ayaa ciidamadii ugu badnaa ku daabushay Gobollada Jubbooyinka iyo degaanada xuduudka Soomaaliya iyo Kenya sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka Jubba.
Xaalad milateri oo kacsan ayaa laga soo sheegay degaanada Afmadow iyo Dhoobley waxaana heegan la geliyay ciidamada Kenya oo sidoo kale xuduudka la keenay iyo ciidamada maamulka Jubba. Dadka degaanka ayaa soo sheegay in boqolaal ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab oo aad u hubeysan lagu arkay duleedka Afmadow iyo Dhoobley oo ay ku wada sugan yihiin ciidamada AMISOM ee Kenya iyo kuwa Jubba.
Goobaha maleeshiyaadka Al-Shabaab ay salka dhigteen waxay kala yihiin Cag-libaax iyo Qalawilaha oo 25km dhinacyada Galbeed iyo Waqooyi ka kala xiga Afmadow. Qorshaha Alshabaab ayaa laga cabsi qabaa inuu yahay weerar la mida kii Ceelcadde ee lagu laayay askarta Kenya.
Dowladda Kenya ayaa ciidamo fara badan dhowaan soo dhoobtay xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya iyadoo xirtay isku socodka labada dal, waxaana la filayaa maalmaha soo socda dagaalo culus oo degaanadaasi ay Alshabaab ku qaadaan.
Goobjooge.com