Friday, June 27, 2025

Alshabaab oo ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed ku leysay duleedka Magaalada Baydhaba

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in lix askari ay dhinteen ka dib markii maleeshiya ka tirsan ururka Al-shabab ay maanta waddada u galeen ciidan ka tirsan Maamulka Koonfur-galbeed.

Shilkan oo ka dhacay dhinaca bari ee magaalada Baydhaba ayaa saraakiil ay VOA la hadashay sheegeen in 5 askari oo kale ay dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyey cisbitaalka magaalada Baydhabo.

Ciidanka waddada loo galay ayaa warku sheegayaa in ay raashin u wadeen ciidan kale oo ku sugan xerada daynuunaay oo 18km dhinaca bariga ka xigta magaalada Baydhabo.

Ilaa iyo hadda ururka Alshabab ma sheegan mas’uuliyadda weerarka, hase yeeshee, saraakiil ka tirsan ciidanka maamulka K. Galbeed ayaa xaqiijiyey in ururka Alshabab uu weerarka ka dambeeyey.

VOA

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON