Tuesday, June 24, 2025

Alshabaab oo dab qabadsiiyay Gaadiid ay sheegeen in Sirdoonka Mareykanku adeegsado

Wararka laga helayo degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in Alshabaab ay gubeen Shan Gaari oo ay leeyihiin dad Shacab ah oo ku nool Magaalada Jilib, kadib markii ay ka shakiyeen.

Dadka degaanka ayaa sheegaya Gaadiidka ay dabka qabadsiiyeen kooxda Alshabaab ay isugu geeyeen goob fagaare ah, kadibna ay ololiyeen markii dadka magaalada ay isugu soo baxeen.

Al-shabaab ayaa gaadiidkan sheegay in loo adeegsado basaasnimo oo sirdoonka Mareykanka uu adeegsado markii qalab lagu soo xiray si loogu basaaso Alshabaab.

Alshabaab ayaa falal lagu bartilmaameedsado hogaamiyeyaashooda kala kulma sirdoonka Mareykanka oo adeegsaday farsamooyin badan, waxayna Alshabaab isha ku heysaa gaadiidka cusub ee la geeyo degaanadeeda, kadib markii ay mamnuucday telefoonada smart-ga ah iyo internet-ka laga galo mobile-da.


Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON