Monday, August 25, 2025

Alshabaab oo dad shacab ah ka afduubatay Afgooye & Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoosse ayaa in kooxda  Al-shabaab ay xalay dad rayid ah ka afduubteen degmada Afgooye.

Afduubtan ayaa ka horeeyay weerarkii ay ku qaadeen bar koontarool oo ciidamada dowladda ku sugan yihiin, waxaana dadka la afduubtay ay ahaayeen laba qof oo beeraley ah kuna sugnaa Beer ku taalla galbeedka Afgooye.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa hore u watay laba nin iyo Gaari Cagaf ah oo ay beeraha ku fashaan, kadibna waxay gubeen Cagaftii iyagoo hore u watay labada qof oo aan la ogeyn meel ay la aadeen.

Weerarkii Xalay kadib iyo afduubta ay geysteen Alshabaab ayaa waxaa maanta duleedka Afgooye ka socda howlgallo ay wadaan ciidamada dowladda oo daba jooga Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON