Maleeshiyada Alshabaab ayaa sheegtay inay qabsadeen degaanka Goofgaduud oo 30 u jira magaalada Baydhaba.
Dagaal dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabaab ayaa keenay inay Alshabaab xalay la wareegeen Goofgaduud oo duleedka magaalada Baydhaba, waxaana halkaasi isaga baxay ciidamadii dowladda kadib weerarka Alshabaab.
Goof Gaduud ayaa ah degaan muhiim ah oo laga ilaaliyo Garoonka Shaatigaduud ee magaalada Baydhaba oo xarun u ah ciidamada AMISOM ee Itoobiya ka socda.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay qasaare gaarsiiyeen ciidamada dowladda isla markaana la wareegeen degaankaasi. Warar kale ayaa sheegaya in Alshabaab ay olole dagaal ka wadaan gobolka Bakool oo markan ay weerar ku yihiin degmada Xudur.
Dhowaan ayay Al-Shabaab la wareegtay degmada Tiyeglow ee gobolka Bakool, kadib markii ay ka baxeen ciidamada Itoobiya.
Goobjooge.com