Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa Maanta waxaa ay si nabadgalyo ah iyo dagaal la’aan kula wareegay degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Degmada Matabaan ayaa waxaa gacanta ku hayay Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug iyo maleeshiyada degaanka, waxayna isaga baxeen markii ay kusoo dhawaadeen Al-Shabaab.
Shalay ayey Al-Shabaab la wareegeen deegaannada Bacda iyo Beergadiid oo hoos taga degmada Matabaan, iyaga oo aan wax iska caabin ah kala kulmin Ciidamadii ku sugnaa.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka baxeen magaalada Matabaan oo muddo kooban ay maanta qabsadeen.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa burburiyay saldhiggii Booliiska ee magaalada oo ay ku xireen Miinooyin ka hor intii aysan ka bixin magaalada.
Qabdashada Alshabaab ee Matabaan oo ah degmo ka tirsan Hirshabeelle, balse ay maamusho ayaa dib udhac hor leh ku ah maamulka Galmudug.